Somaliska — Af Soomali
Hey’adda ka hortagga dambiyada
Hey’adda Brå waxay ka shaqaysaa inay yarayso dembiyada oo ay kor u qaado amniga bulshada dhexdeeda. Waxaanu taas ku samaynaa annaga oo aruurinayna xaqiiqooyinka iyo faafinta ku saabsan aqoonta dembiyada, la dagaallanka dembiyada iyo ka hortagga dembiyada, ugu horrayn waxaanu siinaa dowladda iyo hey’addaha qaabilsan nidaamka caddaaladda iyo qaanuunkta.
Qodob muhiim u ah siyaasadda dembiilayaasha ee iswiidhan ayaa ah in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa dembiyada. Brå waa hey'ad ka shaqaysa yaraynta dembiyada iyo ko u qaadida amniga bulshada dhexdiisa iyaga oo aruurinaya xaqiiqooyinka iyo faafinta ku saabsan aqoonta dembiyada iyo ka hortagga dembiyada.
Brå waxay soo saartaa tirakoobka dembiyada rasmiga ah, waxay qiimayaan dib u habaynta, waxayna ku hawladn yihiin cilmi baarisyo si ay u soo saarto aqoon cusub waxayna taageertaa shaqada ka hortagga dembiyada ee maxalliga ah.
Brå waxaa shaqada u dirta dawladda Iswiidhan waxaanay inta badan la shaqeeyaan hay'adaha iyo ururada kale. Brå kooxaheeda bartilmaameedka inta badan waa dawladda, hay'adaha nidaamka callaaladda iyo qaanuunka iyo kuwa ka hortagga dembiyada iyo sidoo kale dadweynaha.
Ma doonaysaa in aad soo sheegto dembi?
U soo sheeg dembiga sida ugu dhakhsaha badan. Haddii wakhti hore la soo sheego dembiga waxaa fududaanaysa in la sugo caddaymihiisa iyo macluumaadka markhaatiyadiisa.
Xaalad degdeg ah
Wac 112 haddii aad dhibbane ka tahay dembi hadda ama aad markhaati ka noqonayso dembi hadda socda, sida qof sakhraansan oo baabuur wada, tuugo ama jir dil ama garaacid.
Marka aanay xaaladdu degdeg ah ahayn
Wac 114 14 ama booqo saldhig booliis.